Madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo furay shirka dib u heshiisiinta beelaha Sade oo muddo dheer dib u dhac ku jiray. Shirkan ayaa la sheegay in ay ka qeybgalayaan waxgarad, siyaasiyiin iyo odayaasha Beesha Sade iyadoo looga hadlayo cabashooyinka beeshani ka qabto maamulka Axmed Madoobe oo isugu jira dhiig iyo tacadiyo loo geystay iyo awood qeybsi.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u xayirnaa shirkan iyo go’aanka beesha Mareexaan si uu u dhiso xukuumad cusub oo maamulkiisu yahay muddo lix bilood ku dhowaad ah uu yahay xukuumad la’aan.
Axmed Madoobe ayaa furitaanka shirka ka ballan qaaday in maamulkiisa uu xalin doono cabashooyinka ay qabaan beesha Sade isaguna uu doonayo in la soo gabagabeeyay khilaafka ka dhex jira maamulka iyo beesha Sade oo ku midoobaan maamulka Jubbaland.
Shirka waxaa weli ka maqan xubno muhiim ah oo hore u qaadacay, waxaana loo xil saaray wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka C/qaadir Sheekh Cali Diini oo la filayo inuu Kismaayo tago maalmaha soo socda.
Waxaa kaloo rajo laga qabaa inay shirka ku biiraan xubno si weyn uga horjeeday Axmed Madoobe sida Barre Hiiraale oo dhowaan ay Muqdisho isku arkeen Axmed Madoobe.
Goobjooge.com