Wararka ka imaabaya gobolada dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in saaka iyo galabta ay dagaalo ku dhex mareen deegaanka Ceel-huur oo 60 KM waqooyiga ka xigta degmada Xarardheere, maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabab iyo dadka deeganka.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu geystay inkastoo tirada sax ah aan weli la xaqiijin karin, maadaama dhulka lagu dagaalamayo uu yahay dhul miyi ah oo aad u fog.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo dhowr bilood socday ay dhaliyeen cadaadis uga yimid Alshabaab oo xoolo badan ka dhacay dadka degaanka. Alshabaab ayaa saaka la sheegay inay weerar ku qaadeen tuulo la yiraahdo Cadaley oo 40km u jiray Ceelhuur ayna ka dhaceen geel, kadibna uu dagaal ku qarxay dadka degaanka iyo Alshabab iyadoo geelii ay dhaceen laga reebay marka laga reebo wax yar.
Ciidamada degaanka ee dagaalka kula jira Alshabab ayaa ah dadka degaanka oo u adkeysan waayay dhaca iyo boobka Alshabaab. Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu weli socdo meel 50km u jirta Ceelhuur.
GOOBJOOGE.COM