Thursday, June 26, 2025

Dagaal dhinaca warbaahinta ah oo ka dhex qarxay Kenya & Alshabab [Beenin cusub]

Xarakada Al Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda Kenya oo lagu sheegay in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay dileen  Hogaamiye Al Shabaab u qaabilsan sameynta Qaraxyada oo lagu magacaabo Macalin Shariif duqeyn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu xusay in qof lagu magacaabo Macalin Shariif aanu  ka mid aheyn Al Shabaab, waxayna intaas ku dareen inaysan dhicin  lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab oo ka dhacay  Gobolka Gedo.

Alshabaab waxay sheegtay in Kenya ay faafineyso warar been abuur ah oo ay dooneyso inay ku dejiyo niyadda dadkeeda walaacsan ee laga askarta looga laayay dagaalkii Ceelcade, waana marki labaad ee Alshabaab ay beeniyaan war ay Kenya ku sheeganeyso inay dishay saraakiil Alshabaab ah.

Kenya ayaa hore u sheegtay inay duqeyn cirka ah ku dishay sarkaalka Amniyaadka Alshabaab ee Mahad Karate iyo ilaa 50 alshabaab ah oo isugu jira saraakiil iyo maleeshiyo la tababaray, laakiin waxaa la aqoonsan waayay goob  ay Kenya sheegtay inuu weerarkaasi ka dhacay .

Kenya ayaa u muuqata inay dagaal afka ah ku jirto iyadoo aan weli shaacin askartii looga dilay dagaalkii Ceelcade tiradooda in ka badan muddo bil ah oo laga sugayay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON