Monday, July 14, 2025

Sababtii Garoonka Nairobi loogu xayiray Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid oo la kashifay [AKHRI WARBIXIN YAAB LEH]

Saraakiil ka tirsan waaxda duulimaadka Kenya ayaa shaaciyay sababta keentay in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya muddo saacado ah lagu xayiro Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, dhacdadaas oo lagu tilmaamay fadeexad diblomaasiyadeed.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inaysan soo marin Garoonka Wajeer oo ah meesha diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada lagu sii hubiyo xilliga ay u socdaan Nairobi, wuxuuna sarkaal ka tirsan waaxda duulimaadka Kenya  sheegay inay arrintaasi tahay jebin sharcigii nabadgelyada u yaalay. Sarkaalkan oo la hadlay wargeyska “the Standard” ayaa sheegay in arrintaas sidii wax looga qaban lahaa ay isku qabteen waaxda socdaalka iyo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Saraakiisha Ammaanka Kenya ayaa  amray in dib loogu celiyo diyaaradda iyo ra’isial wasaaraha la socda magaalada Muqdisho, laakiin waxaa dhacday in diyaaradii Nairobi geysay Ra’iisal wasaaraha ay degdeg uga noqotay garoonka, taasoo xaaladii sii cakirtay. Qeybta borotokolka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa halkaasi u dirtay gawaarida martida ee qaadi lahayd wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kuwaasoo saacado yaalay qeybta VIP-da garoonka oo saraakiisha ammaanka ay ku haysteen Ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hogaaminayay wafdi ka kooban 20 xubnood oo isugu jira 3 wasiir iyo xildhibaano iyo xubno kale, waxayna doonayeen inay u socdaalkaan dalka Turkiga iyadoo maanta ka duulaya magaalada Nairobi, waxaana markii danbe loo ogolaaday inay galaan gudaha Nairobi qeyb ka mida  wafdigiisa markii Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya soo dhex galaan in ka badan afar saacadood oo saraakiisha ammaanka Kenya ay heysteen.

Goobjoooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON