Tuesday, June 24, 2025

DHAGEYSO Cumar C/rashiid: “Waan la xisaabtameynaa Kenya, heshiis ayayna nooga baxday…”

Ra’iisal wasaaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wixii wafdigiisa ku qabsaday magaalada Nairobi ee dalka kenya, isagoo ku sugan dalka Turkiga.

Wareysi siiyay TV-ga Universal ayuu sheegay in xayiraadii lagu sameeyay Wafdigii uu hogaamiyay ee lagu xanimay Garoonka Diyaaradaha Kenya Ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi uu xadgudub ku yahay heshiis dhex maray dalalka Kenya iyo Somalia.

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya wuxuu sheegay in Kenya ay kula xisaabtamayaan dhacdadii Garoonka ku qabsatay ee lagu sameeyay wafdiga Soomaalida, wuxuuna  uu intaa ku daray in Kenya ay ka sugayaan Jawaab degdeg ah inay ka bixiso arrintan.

“Wixii xildhibaanada gaaray waa wax anaga nagu dhacay, khaladka Kenya nagula kacday, tallaabadii aan ka qaadi lahayn waan ka fiirsanaynaa” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha oo si cad u sheegay inay Kenya khalad weyn ka gashay madaxda Soomaalida.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hore ugu heshiiyay inaan baaris lagu sameyn Madaxda Soomaalida ee tagaya dalka Kenya oo aan lagu baari karin garoonka Diyaaradaha Wajeer, balse  Kenya ay jebisay heshiiskaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u soo saartay war cad oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay wafdigii Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON