Monday, June 23, 2025

Maxkamadda Sare oo sharci darro ka dhigtay urur ay ansixiyeen Golaha Wasiirada

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aan ka gaartay muran ku saabsan hogaanka ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed iyadoo Maxkamadu go’aamisay in dalka uusan ka jirin Urur Iskaashatooyin oo sharci ah, iyadoo ay dhowaan golaha wasiirada ansxiyeen urur iskaashatooyinka ee UDHIS.

Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo ahaa urur ka yimid dowladii hore kuna dhisnaa nidaamkii Shuuciga ahaa ayaa waxaa soo nooleeyay dad ka haray dowladii hore oo la shirkoobay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo xildhibaano iyo wasiiro.

Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta xukmisay inuusan dalka ka jirin urur iskaashato Qaran kadib markii maxkamadda ay u fariistaay dacwad is qaqabsi ah u dhexeysay labo garab oo isku heystay Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed, iyadoo Maxkamadda sare ay u sababeysay arrimo ay kamid tahay in Ururka la isku heystay uu yahay mid ku kooban Muqdisho, isla markaana aysan qeyb ka aheyn iskaashatooyinka Gobollada dalka.

Kaaliyaha Maxkamada sare ee dalka Mahdi Xuseen Maxamuud ayaa ugu horeyn aqriyay go’aanka ay maxkamadda soo saartay iyo sharciyada loo cuskaday.

Maxkamadda waxa xukuntay in ururkii jiray xiligii dowladda dhexe ee UDHIS uu la bur buray dowladdii dhexe ee dalka.

  1. In wixii hanti uu ka tegay ururka ee ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
  2. In aan hadda jirin ururkaasi ama Urur Iskaashato oo heer Qaran oo dadka oo dhan ka dhexeeya, laamana ku leh degmooyinka iyo gobollada dalka.
  3. In wixii urur ah ee ka jira Xamar uu yahay mid Xamar un ku kooban, ama gaar gaarka ah, sida kan gaadiidka, dhuxusha, beeraleyda
  4. Iskaashato dal ama waxay noqon kartaa marka degmooyinka iyo gobollada dalka ay ka sameystaan urur iskaashato, isla markaana sameysta xeerar ay isku maamulayaan.
  5. Labadan urur ee dacwadan isaga soo horjeeda, midkoodna ma buuxin sharuudihii ay uu ku noqon lahaa urur Iskaashato Qaran oo ay ku midoobeen iskaashatooyinka ka jira dalka.

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullahi Ilka xanaf ayaa sheegay in haddii la sameynayo Ururka iskaashatooyinka Qaranka loo baahan yahay in la sameeyo sharci lagu dhisayo Ururkan,

“Urur Qaran oo UDHIS la yiraahdo oo dalka ka jira hadda ma jiro, dowladda way dhisi kartaa, balse waxaa ka horeysa in la helo sharcigii lagu dhaqi lahaa, haddii sharci cusub iyo nidaam cusub oo dowladeed la sameeyo waa la aas aasi karaa” ayuu yiri Abukaate Caydiid Ilka Xanaf.

Go’aanka Maxkamada sare ee dalka ayaa ah kii labaad oo ay ka gaarto muran dhinaca ururada ah oo ka jiray dalka. Dhowaan ayaa Maxkamad Sare waxa ay xuku ka gaartay Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo hogaankiisa la isku haystay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON