Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ay dhageysan doonto dacwad loo heysto 5 nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Weriye Hindiyo Xaaji Maxamed, oo ka tirsaneyd Radio Muqdisho iyo TV-ga qaranka, laguna dilay qarax loogu xiray gaari ay wadatay.
Eedeysanayaasha ayaa ka tirsan ururka Alshabaab, waxayna qeyb ku lahaayeen falkii loo maleegay weriyaha la dilay iyado laba ka mida wareysi lala yeeshay ay muujiyeen inay falkaasi maleegeen.
Xarunta maxkamada ciidamada Qalabka sida Waxaa ku sugan qareenada u doodaya eedeysanayaasha oo ay u qabatay maxkamadda ciidamada.
Dilkii weriye Hindiya ayaa aad looga naxay maadaama hore saygeedii Liibaan Cali Nuur isna lagu dilay qarax ka dhacay Baarka Vilage ee degmada Xamarweyne, waxayna heysatay caruur agoon ah.
Goobjooge.com