Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay natiijadii shirka Istanbuul, isagoo sheegay in shirka intiisa badan looga hadlay arrimaha dhaqaalaha iyo taageerada Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo madaxweynuhu ku qabtay magaalada Istanbuul ayuu ka sheegay inay ka xun yihiin ka maqnaanshaha shirka ee Puntland, wuxuuna maqnaanshaheeda ku sababeeyay arrin siyaasadeed.
“Waan ka xunahay inay Puntland ka maqnaanto shirka, waa arrin siyaasadeed, waan isku daynay Puntland inaan qancino, inta badan shirka waxaa laga hadlayay horumarka dalka”. ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinaca kale sheegay inay la fariisan doonaan Puntland lagana qancin doono cabashooyinkooda la xiriira doorashada dhammaadka sanadkan 2016.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Puntland ay tegi doonaan si xal guud iyo is faham looga gaaro arrimaha siyaasadda.
Goobjooge.com