Friday, June 27, 2025

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Magaalada Bursa ee Dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo weli ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta booqday magaalada Bursa ee dalkaasi, isagoo marti u ahaa duqa magaaladaasi Münir Karaloğlu’nu, isla markaana booqday suldaanka magaalada kadibna tegay Jaamacadda gobolka Bursa ee dalkaasi Turkiga halkaas oo arday  Soomaali ah ay dhigtaan

Madaxweynaha ayaa xafiiska duqa magaalada Bursa ku saxiixay buuga magaalada, wuxuuna tegay xarunta suldaanka iyo jaamacadda Bursa iyadoo ay la socdaan safiirka Soomaaliye ee Turkiga iyo madax kale.

Mudane Xasan sheikh Max’uud ayaa aad u bogaadiyay ardayda Soomaalida ee halkaas wax ka barta kuwaas oo uu ku dhiirigaliyay in ay ka soo dhalaalaan doorkooda waxbarasho,

Isagoo xasuusiyay in Soomaaliya ay wax ka sugeyso, loona baahan yahay in dalka iyo dadkaba wax u soo bartaan,

Waxa uu dhinaca kale amaanay Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga fursadaha waxbarasho ee ay siisay arday Soomaaliyeed.

 

DAAWO SAWIRO GAARA

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON