Monday, July 7, 2025

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya: “AMISOM waxay ka baxeysaa Soomaaaliya marka….”

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somalia, Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay ka baxeyso dalka Soomaaliya markii  Soomaalidu weydiisato inay baxaan, wuxuu kaloo intaas ku daray inay AMISOM baxeysomarka ay dhameystiraan howsha ay Soomaaliya u joogaan.

Ergeyga Midowga Afrika oo wareysi uu siiyey VOA in ka bixidda ciidamda AMISOM ay ka baxeen fariisimahooda qaarkood ay aheyd arrimo ciidan. Wuxuuna ku dooday in AMISOM ay hadda maamusho 80% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wuxuu ku gacan seyray  in AMISOM ay ku fashilmeyso inay ka guuleysato kooxda Al-Shabaab oo weeraro badan la beegsaday.

Francisco Madeira wuxuu sheegay in AMISOM aysan wax dhibaato ah dhex oolin dadka shacabka ah ee Soomaalyieed, weerarkii Ceelcade-na uu ahaa fal ay Alshabaab  soo maleegtay oo aan lagu eedeyn karin shacabka degaankaasi.

VOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON