Monday, July 14, 2025

Machadka Heritage oo ku taliyay in AMISOM ka baxdo Somalia sanadka 2017

Machadka Cilmi baarista ee Soomaaliya ee Heritage oo xaruntiisu tahay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu uga hadlaayo sida ay ciidama AMISM uga bixi karaan Soomaaliya.

Warbixinta  Heritage oo dheereyd ayuu machagdu ku sheega  qodobo badan oo keeni kara in AMISOM ay ugu danbeyn Soomaaliya ka baxdo sanadka 2017-ka oo ay u noqoneyso sanadkii 10-aad ee Soomaaliya ay ka howgalayeen.

Machadka cilmi baarista  Heritage wuxuu kaloo warbixintiisa ku sheegay tallooyina ay  soo jeediyeen oo ku saabsan in la qalabeeyo ciidamada qaranka ee Soomaaliya, si ay iyaga amniga u sugaan oo xilkooda ula wareegaan, waxayna si cad ugu sheegeen qoraalkooda in  AMISOM aysan Shabaab ka adkaan karin oo aysan lahayn qorshe cad.

Agaasimaha Heritage Cabdirashiid Xaashi wuxuu faahfaahin ka bixiyay warbixinta ay soo saareen ee ku saabsan AMISOM, isagoo sheegay in xalka kaliya ee Soomaaliya uu yahay dhismaha ciidamo qaran oo Soomaaliya yeelato.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON