Ciidamada ammaanka Muqdisho ayaa howlgal habeenimo ah ka fuliyay magaalada Muqdish, kaasoo la sheegay in lagu adkeynayo ammaanka caasimada kadib markii shalay Duhurtii madaafiic lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Howlgalka oo ka dhacay dhowr degmo ayay ciidamada Nabadgelyada kusoo qabteen hub iyo dad fara badan iyadoo xabsiga loo taxaabay.
Meelaha howlgalku ka dhacay waxaa ka mida xaafado ka tirsan degmooyinka, Dharkeynley iyo Hodan, halkaasi oo lagu soo qabtay tiro dad ah oo watay hub iyo dadkii lahaa, waxaana ciidamada ay wadaan baaritaanno lagu kala saarayo dadka ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab iyo kuwa aan ka mid ahayn.
Ciidamada nabadgelyada dowlada Federaalka ayaa culeys weyn ka heystaa sugidda ammaanka caasimadda, waxaana lagu eedeeyay inay ku fashilmeen amniga.
Goobjooge.com