Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden ka mida Xidhibaanada Baarlamaanka Soomaliya, horena u soo noqotay Wasiirka arrimaha dibadda iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya ayaa beenisay inay shalay si dirqi ah uga badbaaday weerarkii madaafiicda ee Alshabaab ku qaadeen xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.
Warbaahinta qaar ayaa qortay in xildhibaanadda ay dirqi uga baxsatay hoobiye ku soo dhacay meel aad ugu dhow xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyagoo ku khalday xildhibaanad kale oo lagu magacaabo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo gurigeeda ku yaalla Madaxtooyada, kuna dhow xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
War ay soo dhigtay Barteeda twitter ayay Fowsiya Yuusuf ku beenisay wararkaas laga qoray, iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaantay arrintasi.
Goobjooge.com
Waxaa warbaahinta qaar Lagu qoray inaan dirqi kaga baxsaday
Duqayntii shalay ka dhacday Muqdisho. Hadalkaas waxba Kama jiraan.— Fawzia Yusuf H. Adam (@FawziaYusufAdam) February 26, 2016