Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 20 qof ay u soo qabatay weerarkii hoobiyayaasha lagu garaacay Madaxtooyada Khamisitii shalay ee qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dhaliyay.
Weerarka hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay gudaha iyo agagaarka Madaxtooyada, waxaana ku geeriyooday * qof, ayada oo tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen. Kooxda Alshabaab ayaana sheegatay weerarkaasi.
Afhayeenka cusub ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Kaamil Macallin Shukri ayaa sheegay in sidoo kale ay soo qabteen baabuur iyo hub loo adeegsaday weerarkii shalay isagoo aan faahfaahin ka bixin.
Wasaaradda Amniga ayaa dhinac kale sheegtay inay soo saartay amar la mamnuucayo hubka Sharci darrada ah ee saaran Gaadiidka raaxada ah ee gudaha magaalada.
Howlgallo baaritaan ah ayay ciidamada dowladda qaadeen ayaa ka dhacay Muqdisho kadib weerarkii shalay ee madaxtooyada iyadoo hay’adaha ammaanka lagu eedeeyay inay ku fashileen sugidda ammaanka Muqdisho.
Goobjooge.com