Kadib habeen qaraxyo iyo argagax ay magan u noqotay Muqdisho oo weerar kale Alshabaab ku qaaday Hotelka SYL, waxaa dadka Muqdisho oo ku seexday murugo ay saaka u soo baxeen inay arkaan sidii ay qaraxyadii gilgilay magaalada u dhaceen, waxaana yaab lahayd heerka qaraxa iyo burburka uu geystay.
Qaraxa oo lagu sheegay kii ugu xoog badnaa ee dalka ka dhaca wuxuu god ka qoday goobtii uu ka dhacay, waxaana burbur aan hore loo arag gaaray dhismooyin ka dhowaa iyo kuwa ka dheer oo intaba saameyn xoog leh ka soo gaartay qaraxa.
Qasaaraha weerarada ayaa dadka ku dhintay waxay hadda gaareen 25 dhimasho oo ay ku jiraan afar dabley oo weerarka soo qaaday, dhaawaca ayaa ka badan 60 kale.
DAAWO SIDA QARAXU U GALAY GOOBTA UU KA DHACAY