Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareynkanka ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya waxaa la yeeshay idaacada VOA-da qeybteeda Afka-Soomaaliga, isagoo ku adkeystay in Danta Soomaali ku jirin qaabka 4.5.
C/weli Gaas ayaa si cad u sheegay in Puntland aysan u socon sed bursi isagoo u jawaabay dadka ku doodaya in dowladii Siyaad Barre ay dhistay degmooyin fara badan oo dad gaara loo badiyay isagoo yiri: “Majeerteen dowladii Siyaad Barre intii ay jirtay oo dhan waxaa laga sameeyay laba degmo oo kala ah Burtinle iyo Dangoronyo..”
Wuxu soo jeediyay in la helo metelaad dhab xitaa haddii dib loogu laabto 8-dii Gobol ee Soomaaliya iyo 48-kii Gobol.
Wareysiga oo xiiso leh dhageyso
Goobjooge.com