Saturday, July 5, 2025

Warbixin ku saabsan Qoys Soomaaliyeed oo mar Quran ku wada dhintay dalka Sacuudiga

Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa faahfaahin ka bixisay qoys Soomaaliyeed oo mar Quran ku dhintay dalka Sacuudiga.

Qoyska Soomaaliyeed ayaa ka koobnaa seddex caruur ah iyo waalidiintooda, waxaana la sheegay iney u dhinteen qiiq badan oo ka dhashay dab ka kacay guriga ay ka degenaayeen duleedka magaalada Jiddah.

Nuur Ugaas oo ah qunsulka  Soomaaliyeed ee magaalada Riyadh u qaabilsan xiriirka dadweynaha iyo arimaha Dibada oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka koobnaayeen shan ruux oo Soomaali ah.

Faarax abuukar Cabdulaahi ayaa lagu sheegay magaca aabaha Soomaaliyeed halka hooyada ilmaha dhashay lagu sheegay Hayaan Cumar C/llaahi, waxayna labadooda isku dhaleen hal cunug, labad cunug ee kale ayaa Hayaan Cumar waxay usoo dhashay aabe kale.

Waxaa la sheegay in dhamaan qoyskaasi lagu aasay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON