Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa boqoday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba, wuxuuna ugu baaqay dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka inay Caawiyaan Dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen Qaraxyada.
Shariif Xasan oo la Hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo ay ka soo gaareen qaraxyadaas waxyeelo aan waxba looga qaban karin Isbitaalka Guud ee Baydhabo, loona baahan yahay in kaalmo caafimaad oo dibadda ah loo qaado.
Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa intaas ku daray inay adag tahay in qof raba inuu is-qarxiyo laga hor-tago, isagoo intaas ku daray inay socdaan qorshayaal ka dhan ah Kooxda Al-shabaab, si looga saaro dalka oo dhan. “Dad shacab ah oo maqaayado iska fadhiya in la laayo maxaa laga helayaa, maxaa loo dilay… Haddana waxaan idiin sheegayaa in Al-shabaab ay u taagan yihiin inay dadka oo dhan laayaan, qof walbana ay gurigiisa ugu tagaan, haddii aan la iska kaashan sidii wax looga qaban lahaa..” ayuu ku yiri Warbixinno uu Shariif Xasan.
Goobjooge.com