Kulankii ugu adkaa ugu dheeraa ee su’aalo lagu weydiiyo madax Soomaaliyeed ayaa maqribnimadii Caawa soo gabagaboobay, kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay kulan albaabada la isku xiray la yeesheen xubnaha kala ah:
- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali
- Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed
- iyo Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Jen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare
Su’aalaha oo aad u adkaa waxaa intooda badan ay ku wajahnaayeen Taliyaha NISA iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana xubnaha ugu hadallo iyo su’aalo kululaa ka mid ahaa:
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye (Akhri)
Xildhibaan Ubax Tahliil (Akhri)
Xildhibaan Cabdi Xoosh Jibriil
iyo kuwo kale
Kulanka oo muddo dheer qaaray soona bilowday duhurnimadii ayaa goor dhoweyd, Waxaana lagu balamay inuu sii socdo maalinta berito oo dhan iyadoo ay hareen xildhibaano fara badan oo doonaya inau su’aalo weydiiyaan Taliyaha NISA iyo Ra’iisal wasaaraha.
Arrimaha ugu waaweyn ee su’aalaha ka yimaadeen waxaa ka mida:
Fashilka Hay;adaha amniga ka heysta sugidda ammaanka
Sugidda ammaanka caasimadda ee lagu wareejiyay Gobolka Banaadir
Hab dhaqanka ciidamada iyo talisyada ciidamada dalka
iyo su’aalo kale oo ka dhashay waxqabadka xukuumadda, waxaana lagu wadaa in maalinte beri ah la sii ambaqaado su’aalo weydiinta.
Goobjooge.com