Sunday, June 22, 2025

Soomaaliya oo laga reebay & South Sudan oo ku biirtay Suuqa dhaqaalaha dalalka Bariga Afirka [EAC]

Soomaaliya ayaa mar kale la hakiyay codsigeedii ahaa inay ku biirto ururka Dhaqaalaha Suuqa Bariga afrika ee loo yaqaan EAC (East African Community (EAC) oo ay ku bahoobeen iyadoo lagu xiray shan shuruudood oo qaarkood aysan buuxin karin, laakiin waxaa la yaab lahayd in Koonfurta Suudaan lagu biiriyay suuqaasi oo aan wax badan dhaamin Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa ka warbixiyay sababaha Soomaaliya loogu diiday xubinimada Suuqa Bariga Afrika ee loo yaqaano EAC. Isagoo la hadlayay Idaacada BBC-da ayuu sheegay in shuruudaha Soomaaliya laga doonayo ku biirista ururkaas ay yihiin kuwo hore u taagnaa, isla markaana ay jiraan shuruudo gaaraya shan.

“Shuruudaha laga doonayay Soomaaliya waa kuwo awalba jiray, maxaa yeelay Soomaaliya Gobolka ayay ku taala, waxaa jira waxyaabo afar illaa shan ah, in ku biirista ururkaas Suuqa Ganacsiga Bariga Afrika aysan waxba ka qabin dalalka xubnaha ka ah”ayuu yiri Wasiir Hadliye oo intaas ku daray in Soomaaliya amni xumo ka jiro, xuduudaha la isu gudbi karana ay xun yihiin kuwaasoo ah shuruudaha muhiimka ah.

Ad

Waxaa uu sheegay in tartiib tartiib ay Soomaaliya ugu biiri karto Ururka EAC, isla markaana la eego waxa faa’idada ka soo galaya hadii ay ku biiraan, isagoo tilmaamay in muhiimada tahay in ganacsiga soo noqdo, canshuurta ganacsatada ay bixiso, lana isu gudbi karo dalalkaas oo dhan.

Suuqa Ganacsiga ee Bariga Afrika ayaa waxaa xubin ka ah lix dowladood oo kala ah Tanzania, Rwanda, Burundi, Kenya, Uganda iyo Koofurta Sudan oo shalay uu ku biirtay ururkaasi, balse Soomaaliya ay sugeyso muddo 7 sanadood ka badan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON