Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay xoolo nool u dhoofisay dalka Masar, kadib heshiis magaalada Qaahir ka dhacay Bishii Ogost ee sanadkii hore galeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar la dhaqan geliyay.
Xoolihii ugu horeeyay oo tiradoodu gaareyso 2600 oo neef oo geel ah ayaa la geeyay Kanalka Suez maanta, iyadoo laga dejinayo dekaddaha ku taalla Kanaalkaasi.
Xaflad lagu qaabilay xoolahaas ka dhoofay Soomaaliya oo halkaa ka dhacday waxaa ka qeyb galay wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa xukuumadda Soomaaliy, Saciid Xuseen Ciid.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Masar ay Soomaaliya ka qaadday xayiraad saarneyd dalal badan Afrikan ah, oo Masar aysan xoolo ka qaadan jirtay, haddana ay suuragashay in xoolihii ugu horeeyay la geeyo Masar.
Goobjooge.com