Saturday, June 28, 2025

Taliye xigeenkii Nabadsugidda Degmada Cadale oo toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo degmada Cadale  ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in taliye kuxigeenkii Ciidamada Nabadsugidda ee Degmadaasi Ibraahim Maxamuud Waanbe lagu dilay xalay halkaasi.

Dilka ayaa la sheegay inuu  geystay askari ka tirsan ciidamada Nabadsugidda ee degmadaasi,waxaana sidoo kale isla goobta lagu dilay sargaalkii dilka u geystay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Nabad Sugidda Ee Degmada Cadalle.

Maamulka Degmada Cadalle Ee Gobolka Shabellaha dhexe  ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan dilalka ka dhacay degmada Cadalle oo ah kuwo aan hore loo arag.

Dilalka ka dhacay degmada Cadale kadib ayaa warar hordhac oo ka soo baxay ay sheegayaan inuu salka ku hayo khilaaf dhanka shaqada ah soo kala dhex galay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON