Friday, July 4, 2025

DEGDEG: Qarax ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan uu ka dhacay  qarax  weyn oo geystay khasaare.

Qaraxa ayaa ka dhacay albaabka  hore ee garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne. Wararka laga helay dad goobjoogayaal ayaa sheegaya in  qaraxa lagu fuliyay  boorso miineysan oo goobta la dhigay Bas ka  mida basaska dadka rakaabka ka qaada ee Garoonka diyaaradaha.

Afar qof oo u badan wakiilada shirkadaha diyaaradaha ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana uu qaraxu dhacay iyadoo baaritaan lagu hayo gaariga. Dhaawacyada ayaa la geeyay isbitaalka dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON