Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Baladweyne Col. Cali Dhuux Mahad Alle ayaa ka warbixiyay qaraxii maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha Beledweyne, isagoo sheegay inay jiraan dad loo xirxiray oo baaritaankoodu socdo.
Sarkaalka wuxuu sheegay in qalabka qarxay uu ku dhex jiray alaabo xamuul ah oo ay ku jiraan Laptop iyo Printer, waxaana kadib qarxay Computer kale, waxaana qaraxyada lagu xiray laba kombiyuutar iyo Printer oo qaarkood aanay qarxin.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mida laba askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee AMISOM.
DHAGEYSO WARBIXINTA TALIYAHA
Goobjooge.com