Kooxda Ahlu suna ee Gobolada Dhexe ayaa ka hadashay xariga ciidamada dowladda Soomaaliya ay xireen Cabdi Nuur Siyaad oo laga soo qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna sheegeen inay tallaabadaasi tahay mid nasiib darro ah.
Afhayeenka Ahlu suna Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xariga Cabdi Nuure, isla markaana, isagoo sheegay inuu markii horeba Muqdisho uga cararay caburin iyo inuu naftiisa badbaadiyo, wuxuuna nasiin darro wey ku tilmaamay in dal shisheeye laga soo xiro laguna soo celiyo Magaaladii uu ka cararay ee Muqdisho.
Afhayeenka Ahlu suna ayaan soo hadal qaadin xilka uu Cabdi Nuure Siyaad ka hayay ee taliyaha ciidamada, isagoo ka hadlay inuu yahay siyaasi Soomaaliyeed oo kaliya. “Markii hore Magaalada Muqdisho wuxuu uga tagey waxay ahayd cadaadis iyo caburin oo inuu naftiisa ku badbaadi waayay, bolada Dhexe ayuu noogu yimid” ayuu yiri afhayeenka Ahlu suna.
Dowladda Soomaaliya ayaa Cabdi Nuure u raadineysay falal amaandarro ah oo uu ka geystay magaalada Muqdisho, isagoo hore uga baxsaday caasimadda.
Goobjooge.com