Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dagaal ku dhex maray degaanka Saaxo ee Galbeedka Mudug.
Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka taagan lahaanashaha degaanka Saaxo oo maamulka Puntland uu Guddoomiye u magacaabay, taasoo uu ka hor yimid maamulka Galmudug, taasoo keentay iska hor imaad labada dhinac ah oo halkaasi ka dhaca.
Qasaaraha dagaalka Saaxo ayaa la soo weriyay inuu dhaliyay dhimasho 7 ruux ah iyo dhaawac ka badan, waxaana weli taagan xiisadii colaadeed ee degaankaasi.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Saaxo ee maamulka Puntland Mowliid Daahir Aadan ayaa sheegay in xaalada saaka ay xaaladu degan tahay, dagaalkuna uu ka dhacay deegaano ku yaala xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo qaab beeleed ku dhacay.
Wuxuu ku eedeeyay maamulka Galmudug inay lug kula jirto dagaalada oo markii hore ka bilowday degaanka la isku hayo ayna dhowr jeer isku dhaceen beelaha labada dhinac. Tiknikada dagaalka ee Galmudug ayaa dagaalka dhinac uga jiraan.
Goobjooge.com