Thursday, June 26, 2025

Madaxweynaha Puntland oo booqday, sawirana la galay ciidamadii ka dagaalmay Suuj [DAAWO SAWIRRO]

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (GAAS)  ayaa maanta booqday ciidamada Puntland ee dagaalka ka galay Togga Suuj, wuxuuna ku bogaadiyay geesinimadii ay muujiyeen, waxayna isla sawireen ciidamada.

WARKA IYO SAWIRADA HOOSE WAXAA SOO DIRAY MADAXTOOYADA PUNTLAND

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo uu wehinayey Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 22-March-2016 waxa ay booqoshaqo dhiirri gelin iyo bogaadin xambaarsan ku tegeen xeryaha ay degganyihiin ciidamada aan gabbashada lahayn ee soo afjaray dagaalladii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.

Saraakiishii hoggaaminaysey ciidamadaas ayaa waxay uga warbixiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka guulihii taarikhiga ahaa ee ay kasoo hooyeen dagaalkii ay sharwadayaasha Al-shabaab kaga sifeeyeen deegaanada Suuj iyo Garmaal ee Gobolka Nugaal iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin guulaha ay gaadheen sidoo kalena ay diyaar u yihiin in ay cagta mariyaan cadow walba oo isku daya in uu wax u dhimo nabadda iyo xasiloonida ka jirta  Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Punyland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey ciidamadaasi hawl-galka sameeyey ee PSF ee sida gaarka ah u tababaran guulihii dhaxal-galka ahaa ee ay kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa iyo muddadii koobnayd  ee ay kusoo afjareen hawl-galka, waxaana u sheegay ciidankaasi in ay yihiin cidda keliya ee shacabka Puntland ay ku ladaaan.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxay booqasho taa lamid ah waxay ku tageen xarada Ciidanka ilaalada Badda Puntland (Puntland Marine Police Forces PMPF) oo kaalin weyn kulahaa dagaalkii lagaga sifaynayey deegaano xeebeedyada Puntland kooxihii sharwadayaasha al-shabaab, kuwaas oo  bad iyo berriba ka garaacay sharwadayaasha iyagoo adeegsanayey doonyaha dheereeya ee ciidanka iyo gawaadhida gaashaaman.

Saraakiishii hoggaaminaysey Ciidamadaas  ayaa  ka war-bixiyey guulihii ay ka soo hooyeen  dagaalka iyo qaababkii ay uga hawl gelayeen dhulka oo isugu jirey dhul xeebeed iyo dhul buuro ah waxaanay  ballan qaadeen in ay cagta marin doonaan cidkasta oo kusoo xad gudubta xeebaha Puntland oo ah Xeebaha ugu dheer Soomaaliya.

Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ciidamada Badda Puntland waxaa uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal aan sida loo gabbado aqoon, sidoo kalena ay ku ammaanan yihiin guulaha wax ku’oolka ah ee ay usoo hooyeen dalkooda, dadkooda, diintooda iyo dawladdoodaba, isla markaana ay dawladda Puntland la garab taagnaantooda dhiirri gelin, tayaynta qalabkooda iyo dar-dargelinta tababarro dheeraad ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadoodaba.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu booqaan doonaa ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland oo ah ciidamada difaaca Puntland isla markaana birta ka aslay kooxihii nabad-diidka alshabaab oo damacooda gaabani uu siiyey in ay duullaan kusoo qaadaan Puntland oo nabad kusoo caano-maashay.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa kormeerro indho-indhayn waxay kusoo sameeyeen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Duuslista Hawada Puntland halkaas oo ay ka socotey shaqa maalmeedkii wasaaradaha ee caadiga ahaa.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_2753IMG_2757
IMG_2773IMG_2770IMG_2777IMG_2778IMG_2779IMG_2784IMG_2785
IMG_2797IMG_2796IMG_2801IMG_2803IMG_2805IMG_2812IMG_2814IMG_2817

IMG_2821IMG_2829IMG_2835
IMG_2840IMG_2839

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON