Sunday, July 13, 2025

2000 ka tirsan dagaalyahanadii ONLF oo lagu wareejiyey Somali State, lagana dhigayo Liyu Police [Sawiro]

Xaflad ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wareejiyey ciidamadii ururka ONLF ee dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya, kadib markii hubka laga dhigay.

Sida uu dhigay heshiisay hore u gaareen dowladda Itoobiya iyo ONLF waxay dagaalayahannadii ONLF ka mid noqonayaan ciidamada Booliska degaanka Soomaalida ee loo yaqaan Liyu Police, iyadoo marka hore hubka laga dhigay, dibna loo tababari doono.

ONLF ayaa shalay wareejiyay ciidamo gaaraya 1942 askari oo lagu soo bandhigay xaflad ka dhacay magaalada Jigjiga waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiyaha ONLF Maxamed Cumar Cismaan iyo Madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar.

Bidix: Guddoomiyaha ONLF / Dhexda – Madaxaweynaha Somali Satate
Xafladii ka dhacday Jigjiga

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON