Tuesday, June 24, 2025

NISA oo soo bandhigtay Nin ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay hub

Howlgal ay ciidamada Nabadsugidda ka sameeyeen degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay nin  lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab sida la shaaciyay.

Ciidamada NISA ayaa fuliyay howlgalkan, iyadoo ay heleen xog ku saabsan ninkaasi oo ku dhuumanayay guri ku yaala xaafadda suuqa Xoolaha.

Ninkan hubeysan oo ay soo bandhigeen ciidamada NISA ayaa ku hubeysnaa Bistoolad iyo Rasaas, waxaa kaloo uu heystay qalab kale oo qaraxyada laga sameeyo iyo Laptop.

Ninkan lasoo bandhigay ayaan wax faahfaahin dheeraad ah laga bixin. iyadoo warbaahinta dowladda laga baahiyay muuqaalka ninkan.

Dabley2

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON