Ciidamada milateriga dowladda Federaalka ayaa gurmadii ugu weynaa u diray maanta Gobolka Shabeelaha Dhexe iyadoo la arkayay ciidamo boqolaal ah oo ku sii jeeda degaanada dagaalku ka socdo ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay howlgallo ka bilaabeen gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana hogaaminaya ciidamada Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Adan Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la soo xigtay inuu amar ku bixiyay in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan Gobalkaasi Shabeellaha Dhexe, kadib weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay degmada Ruunirgood.