Wednesday, June 25, 2025

Sarkaal Jabuutiyaan ah oo loo magacaabay taliyaha guud ee AMISOM

Wakaalada wararka ee Jabuuti ayaa shaacisay in Ururka Midowga Afrika  Taliye cusub u soo magacaabay Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ka jooga Somaaliya.

Taliyaha cusub  oo lagu magacaabo Generaal Cusmaan Nuur  Subagle, waxa uu u dhashay dalka Jabuuti, wuxuuna  la wareegi doonaa hogaanka  22 kun Ciidan  kala duwan ee howlgalka Amisom Soomaaliya ka jooga ee ka socda dalalka Midowga Afrika  oo u badan safka hore.

Xilkan  Taliyenimada Ciidamada Amisom ee Soomaaliya  ee loo magacaabay Generaal Cusmaan Nuur Subagle  ayaa waxaa hore u hayay Gereraal  u dhashay Kenya laga soo bilaabo bishii Dishember 2015.

Sida ay Wakaalada Wararka ee Jabuuti qortay waxay magacaabista Taliyahan cusub ku soo beegmeysaa xilli  howlgal xooggan lagula jiro   kooxda Alshabaab sidii looga saari lahaa degaanada ay weli ku hrsan yihiin iyo in ciidamada Dowlada lagu taageero howlgaalkaasi.

Taliyaha cusub ee loo soo magaagaacay Ciidamada Amisom ee Somaaliya Generaal Cusmaan Nuur Subagle  ayaa hore  sanadihii 2012-2013 kii  Taliye  ugu noqday howgalka Ciidamada Amisom ee Somaaliya, wuxuuna  si joogta uga qeyb gala shirka ay yeelanayaan gudiga wada jirka ah  ee looga hadlyo arrimaha Mileteriga ee  hogaanada dalalka ciidamadooda  ka joogaan Somaaliya.

SONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON