Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntalnd lagu fuliyay maanta xukun dil toogasho ah
qisaas ahaa,iyadoo la tooftay nin kasoo jeeday qowmiyada Tigreega ee dalka Ethiopia, kaasoo dhawaan nin shacab ah ku dilay magaalada Garowe.
Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa ninkaan horey ugu riday xukun dil ugu riday ah kadib markii uu si bareer ah Toorey ugu dilay Faysal Xuseen Jaaamac Banaf oo ahaa nin ganacsade ah, oo ay daris ahaayee kan wax dilay.
Dilka ninkaan ganacsada ahaa waxa uu ka dambeeyay markii uu u adkeysan waayay Ninkaan Itooniyaan ah oo habeen kasta dili jiray Xaaskiisa, ayuu booliska ku dacweeyay oo la xiray. Maalmo kadib markii lasoo daayay ninkaan, ayuu xilli habeen meel gurigiisa ku dhow ku dilay Faysal Xuseen Jaaamac Banaf, isagoo si naxariis darro ah ugu dilay Toreey.
Maalintii sabtida ahayd ee doraad ayay maxkamadu ninkaan wareejisay ehelada marxuumka dhintay, waxayna ku fuliyeen dil qisaas ah sida uu ii xaqiijiyay kamid ah ehelada marxuumka.
Goobjooge.com