Waxaa Magaalada Muqdishmaanta sii rasmi ah uga bilowday imtixaanka qabuulka ah ee loogu gudbayo Deeqda waxbarasho ee Shirkadda Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship) taasoo la siinayo 30-ka arday ee ugfu sareeya imtixaan laga qaadayo.
Imtixaanka ayaa waxaa Maanta u fariistay ku dhowaad 300 oo arday kuwaas oo diyaar u ah inay aqoontooda ugu soo gudbaan Deeqaha waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship). Ardaydaan waxaa laga qaadan doonaa 30 -ka arday ee ugu sarreysa kuwaas oo nasiib u yeelan doono inay helaan deeqaha Waxbarasho ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
Hormud Foundation ayaa sheegtay inay imtixaanka sixi doonaan guddi ka madax banaan Maamulka Hey’adda Hormuud Foundation. 30-ka arday ee imtixaanka kasoo gudbo ayaa kala dooran doono Jaamacadaha ugu sareeyo dalka midda ay rabaan, sidoo kalana waxay xulan doonaan kuliyadaha ay rabaan.
Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Telecom Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa furay imtixaanka Maanta ay ardayda u fadhiisteen, wuxuuna socon doonaa muddo 2 maalmood ah.
Ardayda ka qeyb galeysa imtixaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyey fursadda ay siisay Shirkadda Isgaarssiinta Hormuud oo ay ku tilmaameen inay mar kasta ka qeyb qaadato horumarka qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Maamulka Hormuud Telecom ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay 120 Ardayda ka bixin doonaan Lacagta jaamacadda, iyadoo ardaydaasina loo qaadan doona qeyb qeyb . waxaana ay tani noqoneysaa dafcadii ugu horreysa ee ka faa’iideysan doonta deeqda wax barasho ee Hormuud Telecom.









