Maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraya 35 qof ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay muddo ku xirnaaeen xabsiyada dalka Kenya.
Muwaadiniinta ayaa waxaa la socday Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxeyna galinkii danbe ee maanta ka soo degeen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu sheegay in maxaabiista intooda badan ay ku xirnaayeen magaalada Gaarisa, qaarkoodna ay ahaayeen dad waayeel ah.
Qaar ka mid ah dadkaas laga soo saaray xabsiyada dalka Kenya ayaa sheegay in ay sharci daro ku xirnaayeen, waxayna dadkani dalbadeen in la geeyo magaalada Kismaayo oo ay kasoo jeedaan.