In ka badan 40 ka mida culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa baaq iyo tacsi kasoo saaray dilka Sheekh C/Naasir X. Axmed Yuusuf oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay magaalad Kismaayo.
HOOS KA AKHRISO BAYAANKA TACSIDA
2. Culimadu waxa ay kaalin Muhiim ah ugu jiraan bulshada Islaamka ah, iyagoo xambaarsan dhaxalkii Nebiga -SCW- kaalintaa soo aanay cid kale buuxin karin.
3. Sh.C/Naasir X. Axmed waxa uu ahaa caalim weyn oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ee ku suntanaa faafinta dacwadda Islaamka iyo soo sarista culimada, iyada oo ay ka aflexeen dad farabadan oo kala jooga daafaha dunida.
4. Sheekhu waxa uu lafdhabar u ahaa nabadda iyo heshiisiinta bulshada iyo weliba ka shaqeynta dhammaan arrimaha khayriga ah.
5. Sheekhu waxa uu caan ku ahaa in uu bulshada uga digo afkaarta qaloocan ee shaadhka diimeed huwan, laguna bannaysanayo dhiigga dadka muslimiinta ah.
6. Waxa aannu cod dheer ku canbaaraynaynaa falka foosha xun ee bahalnimada ah ee sheekha lagu dilay, annaga oo Alle u wayddiinaynna in uu u aqbalo shahiidnimo maadama oo loo dilay diinta Alle isaga oo faafinteeda ku hawllan, taasoo uu soo waday muddo 50 sannadood ku dhow.
7. Alle ha caafiyo walaalaha qaraxaa ku dhaawacmay.
8. Ugu danbeyn waxa aannu ugu baaqaynnaa bulshada in ay ku xidhnaadaan culimadooda, ka bartaan diintoona, kana feejignaadaan afkaarta leexsan ee diinta aan waafaqsanayn.
Magacyada culimada soo saaray baaqa tacsiyada:
1. Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir.
2. Sh.Maxamed Cali Jaamac.
3. Sh.Sul. Cawil Faatix Shire
4. Sh.Maxamed Cali Geedi
5. Dr.C.qani Xussen Maxmed
6. Dr.khadar Xassan Axmed
7. Dr.faysal Maxamed Cali
8. Dr.khiila C.raxamaan Mubaarak
9. Dr.Ciise Maxamuud C laahi
10. Sh.C.laahi Maxamuud Adam
11. Sh.Maxamed Adam Muxumed
12. Sh.Maxamed ibraahim Jaamac
13. Sh.Mubaarik Muuse Faarax
14. Sh.C.laahi Ibraahim Yuusufa
15. Sh.Maxamed Cabdi Carab
16. Sh.C.raxmaan Aw Axmed Cabdi
17. Sh.C.raxmaan Adam Cige
18. SH.Ibraahim Axmed Xirsi.
19. Sh.Maxamed Cali Biixi.
20. Sh.Maxamed Caydiid Muxumed
21. SH.Mukhtaar Cismaan Yuusud
22. Sh.Mahad Maxamed C.laahi
23. Sh.Naasir Cali Barkhad
24. Sh.C.fataax Axmed Ismaaciil.
25. Sh.Mahad Xussen Axmed
26. Sh.Ibraahim Sh.Naasir Maxamed
27. Sh.Maxamed C.laahi Ibraahim
28. Sh.Axmed Cali Xasan
29. Sh.C.kariim Sh Maxamed Madar.
30. Sh.Maxamed Ibraahim Yaasiin.
31. Maxamuud C.laahi Jaamac .
32. Sh.C.raxmaan Maxamuud Faarax
33. Sh.Guuleed C.laahi Axmed
34. Sh.Dayib C.raxmaan Isxaaq
35. Sh.Mahad Maxamed Xusseen
36. Sh Maxamed Cabdi Haybe.
37. Sh.Ciise Axmed Ciise.
38. Sh.C.laahi Cismaan Yuusuf
39. Ex Badhasaab Axmed Cabdi falay.
40. Sh.Caydarruus Daa’uud Cismaan.
41. Sh.Sharma’arke Maxamed Ciise
42. Sh.Adam X. Maxamed Idriis.
43. Sh.Ducaale Dubbad Maxamuud.
44. Sh.C laahi C.raxmaan Jaamac
