Xarunta Dugsiga ee Booliska Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacday xaflad lagu dalacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Xafladan oo ay ka qeyb galeen saraakiisha sare ee taliska Booliska ayaa lagu dalacsiiyay 44 sarkaal oo ciidamada Booliska ka tirsan, kuwaasoo ku muteystay shaqadooda.
Saraakiishan waxaa ka mid ahaa sarkaalka ugu bandhiga badan magaalada Muqdisho ee baraha bulshada isku soo shaac bixiyay Axmed C/llaahi Baashane oo bartiisa soo dhigay iyadoo loo xirayo darajada kabtanka.
Arrintan ayaa soo shaaca baxeysa iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu soo saaray wareegto lagu joojiyay dalacsiinta iyo magacaabidda xilalka cusub ee dowladda.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in dalacsiintan ay ka horeysay wareegtada madaxweynaha oo xaflada uun ay maanta qabteen, waxaana goobta laga akhriyay wareegto ka timid madaxweynaha oo dalacsiinta ku saabsan.
Goobjooge.com
http://goobjooge.com/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-xukuumadda-somaliya-ka-joojiyay-shaqooyin-muhiimka-ah-wareegto/