Wararkii ugu danbeeyay ee weerarkii dalka New Zealand ayaa sheegay in 49 qof lagu dilay 20 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaareen weerar nin hubeysan ku qaaday laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka Newzealand.
Weerarka oo ahaa kii ugu xumaa ee dunida ka dhaca oo lagu beegsado dad muslimiin ah oo masjid ku cibaadeysanayey ayaa ka dhacay Masjid-ka Al Noor oo ku yaalla bartamaah magaalada Christchurch iyo masjidka Linwood.
Ninka weerarka geystay ayaa rasaas ku furay dadkii ku jiray masjidka oo markaasi salaadii jimcaha ku jiray. wuxuuna rasaas ku furay dadkii muslimiinta ahaa, waxaana loo qabtay afar qof oo la tuhunsan yahay, iyadoo weerarka bahalnimada ah si weyn loo cambaareeyay dunida oo dhan.
Ra’iisal wasaaraha dalka Newzealand Jacinda Ardern ayaa cambaaraysay weerarka lagu qaaday labada masajid, waxayna sheegtay inay dalkaasi u tahay maalin madow oo weerar argagixiso kii ugu xumaa uu dalkaasi ka dhacay.
Dhibaatada loo gaystay dadka cibaadaysanaya ayayna ku tilmaantay “mid ka mid ah taariikhda ugu madaw ee dalka Soo martay.
Muuqaallo naxdin ah ayaa ka soo baxaya masaajidka dadka lagu laayay ee ku yaalla dalka New Zealand. Dad kala duwan ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin carruur. Qof goob jooge ah ayaa sheegay in isagoo ku tukanaya masaajidka Al Nuur uu maqlay rasaasta. Wuxuu sheegay in uu arkay xaaskiisa oo dhulka jiifta oo mayd ah.
Nin kale ayaa sheegay in uu arkay carruur rasaas lala dhacay “Dhiig ayaana meel walba daadsanaa” ayuuna intaas ku sii daray.
Qof goobjooge ah ayaa Idaacadda New Zealand u sheegay in uu maqlay rasaas uuna arkay afar ruux oo dhulka yaalla iyo “dhiig meelwalba daadsan”.
Madaxda adduunka ayaa si weyn u cambaareyay weerarka, waxaana ugu horeeyay madaxweynaha Turkiga iyo madaxda kale, waxaana sii kordhaya qasaaraha ka dhashay weerarkasi.



