Thursday, August 28, 2025

7 Xisbi siyaasadeed oo aqoonsi KMG ah la siiyay iyagoo aan buuxin shuruudihii loo dhigay [Sawirro]

Guddiga Doorashada Qaran ayaa maanta shahaado aqoonsi KMG ah guddoonsiiyey 8 xisbi oo loo aqoonsaday xisbiyo siyaasadeed oo dalka ka jira.

Xisbiyadan ayaa u badan kuwo magac ahaan u jira oo qaarkood hal qof uu leeyahay, waxaase Guddiga Doorashada uu sheegay inay yihiin kuwii ugu horeeyey Xisbi ahaan loo aqoonsado iyadoo Shahaadooyinka ay gudoonsiiyey Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka.

Xisbiyadda la aqoonsaday ayaa gaaraya 7-Xisbi, iyadoo lagu sheegay Ruqsadda lasiiyey ay tahay mid ku-meel-gaar ah oo macnaheedu yahay. Munaasabadda Shagaadooyinka lagu guddoonsiinayay Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshadda Rayidka iyo Marti Sharaf kale.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheeegtay in Gudigu uu dajiyey Qorshe ah qaabka Doorashadda Qof iyo Codkiisa ah loo gaari karo sanadaha soo socda.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku hadleysay Magaca Xisbiyada Siyaasadeed ayaa sheegtay in dhibaato badan loo soo maray sidii dalka uu Xisbiyado siyaasadeed uu ku yeelan lahaa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in tani tahay bilowga Doorashadda lafilayo inay Dalka ka dhacdo Sanada 2021.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Maxamed Sheikh Cismaan (Jawaari) ayaa dhinaciisa sheegay  in Nidaamka Xisbiyadda Badan Soomaaliya si weyn ugu baahan tahay loogana gudbi karo waxyaabo badan oo dhibaato ku haya Soomaaliya.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON