Waxaa si lama filaan ah u sii korortay tirada dadka ku dhintay qarixii Soope, kadib markii guddiga gurmad uu soo saaray liis cusub.

Dowladda Soomalaiya ayaa hore u sheegtay inay qaraxa ku dhinteen 358, isla markaana nolol iyo geeri lagu waayay 56 kale, laakiin guddiga taakuleynta dadkii ku waxyeeloobay Qarixii Soope ayaa war ay soo saareen ku dheegay in tirada dhimashada ay gaartay 512 qof.

Arrintan ayaa taageereysa xildhibaanno mucaarad ah oo ku dooday in tirada dhimashada ay ku dhowdahay 1000 qof iyadoo ku eedeeyay inay qarineyso dowladda Soomaaliya, waxaana guddiga gurmadka uu daboolka ka qaaday in dhaawaca qarixii Soope ay korortay iyadoo ay jiraan tirooyin cusub oo aan weli xal laga gaarin.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin, isla markaana ka gaabsatay faahfaahinta ku saabsan kiiskan oo noqday mid mugdi badan ku jiro. Waxaana ilaa hadda la shaaciyay in ilaa 5 qof loo qabtay qaraxa.

Qeybinta lacagta loogu deeqay guddiga gurmadka iyo diiwaangelinta dadka ku waxyeeloobay ayaa sidoo kale tiro rasmi ah loo heynin iyadoo ay jiraan dad hubin u baahan oo ku doodaya inay dad uga dhinteen ama uga dhaawacmeen qaraxii Soope ee 14-kii Oktoobar 2017.