Monday, June 23, 2025

70 Soomaali ah oo Cudurka Coronavirus laga helay labadii maalmood ee ugu danbeeyay…

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas cusub oo cudurka Covid-19 ah oo laga helay gudaha Soomaaliya 48-saac ee lasoo dhaafay.

Kiisaska maanta ay shaacisay Wasiirka Caafimaadka ayaa kala ah: in cudurka Coronavirus laga helay: 70 qof oo magaalada Muqdisho ay joogaan 67 qof oo ka mida, halka Somaliland laga helay 3 qof (Lab: 48 iyo Dheddig: 22).

Wasaaradda ayaa sheegtay inay soo bogsadeen 3, ayna dhinteen 3 qof oo kale, taasoo tirada geerida ee cudurka ka dhigtay 31.

Tirada guud ee cudurka Covid-19 laga helay ilaa iminka ayaa gaartay 671, waxaana guud ahaan bogsooday: 34 qof, halka dhimashada ay gaartay 31 qof.

Shalay oo Jimce ahayd ayaan la shaacin kiisaskii la baaray maalintaasi, taasoo keentay in maanta lagu wada dhawaaqo, laakiin Somaliland ayaa kiisaskeeda isla shalay shaacisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON