Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ‘Somali Partenership Forum’ ayaa goor dhoweyd ka furmay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu furay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Shirkan oo xukuumadda Somalia ay sheegtay inay ka qeybgelayaan in ka badan 50 Dowladood ayaa waxaa looga hadlayaa heerrarka dhaqaale, amaan, siyaasad iy horumar ee Soomaaliya, waxaana furitaankiisa ka qeyb gelin Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha oo la sheegay inay Berri tegi doonaan shirka, iyadoo uu Ra’iisal wasaaraha khudbad ka jeedin doono, halka madaxweynaha uu soo xiri doono.
Waxaa shirka ka maqan maamullada Puntland iyo Jubbaland, waxaana la sheegay in Siciid Cabdullahi Deni oo lagu casuumay uu qaadacay shirka, halka Axmed Madoobe aysan aqoonsaneyn dowladda wax casuumaad ahna aan loo dirin.
Waxaa uu ku dooday in dowladda Casuunta Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, kaas oo dib u doorashadiisa ay dowladda Federaalka iyo beesha Caalamkaba diideen.