Wednesday, July 2, 2025

Xukuumadda Somalia & Qaar ka mida Culimada oo War kasoo saaray Arrinta Masaajidda Muqdisho

Shir ay maanta yeesheen Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mida culimada magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrinta Cudurka Covid-19 iyo tallaabooyinka la qaadayo si looga hortago.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiin ka socday qeybaha kala duwan ee magaalada, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Dhaqaatiir iyo Saraakiisha hay’adaha Amniga.

Kulanka kadib waxaa la isku afgartay qodobadda soo socda:

  • In Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19.
  • Guddi ka kooban Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada ayaa qiimeyn doona oo go’aan ka gaari doona waxa laga yeelayo arrinta  masaajidda kadib marka cilmi baaris diini iyo mid caafimaad ah la sameeyo.
  • In la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa mar kale la faray ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON