Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si xikmadeysan uga hadlay xaalada dalku marayo, wuxuuna welwel ka muujiyay halka ay dalka ku wado dowladda hadda jirta iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wuxuu si cad u sheegay in dowladda hadda jira ay si cad u diiday nidamka Federaalka, taasina aysan qarsan. “Dowladaani waxay rabaan ma qariyaan.. waana sheegaan.. System-kaan federaalka ma rabaaa.. Wasaaraduhu waxay u shaqeeeyaa..” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey barnaamijka Hanoolaato.
Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dalku ku socdo meel halis ah. Waxa la isku heystana aysan ahayn Doorasho iyo musharaxnimo ee la isku hayo dalka dalku aadayo oo kooxda hadda joogto ay rabto in dib loogu noqdo qaabkii dowladii Kacaanka iyo kel-talisnimo.
“Jidka aan qaadeyno kee waaye..? ma jid sharci ah baa mise Jid.. hadii aan xisbigaan ka tirsan tahay waa noolaaneysaa.. haddii aadan ka tirsaneyn noolaan meysid..” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.
“Haddii shirka hadda socda guuleysan waayo oo xal lagu gaari waayo… warkeyga meel ku qoro Soomaali danbe talo lama weydiinayo.. kuwa ku riyoonaya Deni ha iska noqdo, Axmed Madoobe-na ha isku noqdo.. Farmaajo ayaa sii joogaya.. riyo ayey ku jiraan.. hadii aan tashan weyn waa naloo talin” ayuu hadalkii kusoo xiray Maxamed Cabdi Waare.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA
