Tuesday, July 1, 2025

Ra’iisal wasaare si dirqi ah uga baxsaday Koox Hubeysan oo dooneysay inay khaarijiso

Ra’isulwasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool lagu khaariji rabay, xilli uu ka qeybgalayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaas oo dhacday Sabtidi aanu kasoo gudubnay.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha Haiti ayaa lagu sheegay, in isku dayga dil ay ka danbeeyeen “burcad iyo argagixiso” kuaas oo isku dayay in ay toogtaan ra’isul wasaaraha xiili uu ku sugnaa kaniisadda magaalada Gonaives ee Waqooyiga Haiti, halkaas oo ay ka dhaceysay munaasabadda sannadguuradi 218-aad ee madax-bannaaniada Haiti.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka ridayeen bannaanka kaniisadda.

Warbaahinta Haiti ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku lug leeyihiin koox burcad ah. Hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Dalka Haiti ayaa sanadkii hore lagu dilay madaxweynihii ıalkaasi, markii koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Gurigiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON