Xogta laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegeysa inay gabagabo ku dhowdahay xil ka qaadis lagu sameynayo guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir.
Qorshaha xil ka qaadista guddoomiye ku xigeenada gobolka Banaadir ayaa dib ugu dhacday arrimo farsamo, iyadoo weli la dhameystiray shaqsiyaadka cusub ee buuxin lahaa jagooyinkan.
Guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir ee arrimaha Siyaasadda, Bulshada, maamulka iyo Maaliyadda ayaa la sheegay in beelaha loo kala bedeli doono xilalka, iyadoo markii ugu horeysay lagu wado inay haweeney ka noqoto guddoomiye ku xigeen Gobolka Banaadir.
Magacaabidda saddexda guddoomiye ku xigeen ee Gobolka Banadir ayaa ku raagay xilalka waxaana ugu horeeya shaqsiyaadka xilka ku raagay Iimaan Nuur Iikar.

Dowladda Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wada olole xilalka looga xaaqayo madaxdii hore ee heer Gobolka Banaadir iyo heer Federaal, iyadoo dhowaan mar qura xilalkii laga wada qaaday taliyeyaashii ciidamada.
Goobjooge.com