Sunday, July 6, 2025

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Jeneraal Maxamuud M. Guuleed [SAWIRRO]

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee General Maxamuud Maxamed Guuleed oo ahaa Talliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Gudoomiyihii shirkadda Somali Airlines.

Marxuumka ayaa dhowaan ku geeriyoodey ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana aaska ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan.

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali ayaa ka sheekeeyay Taariikhda uu ka garanayo Marxuumka geeryoodey iyo howlihii uu ka soo qabtay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliya.

Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la cafiyo Marxuumka, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed loogu baahan yahay in loo duceeyo.

Jeneraal Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa ku dhashay Tuulada Dacar buluq oo u dhow Magaalada Berbera ee Goboladda Waqooyiga Sanadku markuu ahaa 1943.

DAAWO SAWIRRO

15326393_342972886078889_5405191294746181226_n 15338699_342972796078898_444423913740190350_n 15355753_342972789412232_5493274081863127290_n15439815_342922099417301_4120897375198707945_n 15439849_342922136083964_4299978948345283530_n

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON