Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu aaso Allaha u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamza, oo ahaa Wasiiru dowlihii Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha degaanka, oo ku dhintay Weerarkii Hotel Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa dib u dhigta aaska marxuun muddo hal maalin ah si ehelada dibadda ku maqan ay u soo gaaraan Muqdisho. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in maanta la aasi doono Burci Maxamed Xamza ayna ka qeyb gali doonaan labada gole ee dowladda Soomaaliya.
Wuxuu intaas raaciyay in loogu sameyn doono maamuus qaran, laguna tukan doono salaada Janaasada kadibna loo duulin doono magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo lagu aasi doono.
Goobjooge.com