Wednesday, June 25, 2025

Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay ka hadlay Xaaladda DDSI, baaqna u diray Soomaalida Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qalalaasaha ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo keenay inuu is casilo madaxweynihii maamulkaasi oo xabsi guri ku jira magaalada Addis ababa.

Ra’iisal wasaare oo ka hadlayey magaalada Addis ababa ayaa sheegay in xaaladda gacanta lagu hayo, isla markaana lagu xalin doonio qaab nabadeed iyo wadahadallo, wuxuuna dadka degaankaasi ugu baaqay inay noloshooda caadiga ahayd dib ugu laabtaan oo aysan dheg u dhigin wararka been abuurka ah ee laga faafinayo degaankaasi.

Abiy Ahmed ayaa warkan ka sheegay markii uu magaalada Addis ababa kula kulmay Baaderi Itoobiyaan ah oo dib ugu laabtay magaalada Addis, waxayna wararku sheegayaan inay wadahadal magaalada Addis ababa ku leeyihiin maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON