Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo dhowaan ku guuleystay biladda nabadda adduunka ee Nobel-ka ayaa sheegay inuu diyaarin karo malaayiin qof oo u dagaal gala difaaca biyo xireenka weyn ee Itoobiya oo muranka kala dhaxeeyo dalka Masar.
Isagoo ka hadlayey fadhiga baarlamaanka Itoobiya ayuu sheegay in habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo khilaafka kala dhaxeeya dalka Masar ee ku saabsan biyo xireenka weyn ee Itoobiya dhiseyso uu yahay wadahadal nabadeed, laakiin ay Itoobiya diyaar u tahay inay diyaariso hal milyan oo qof.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dadka qaarkii ay ka hadlayaan in dalka Masar uu awood adeegsanayo si uu uga hortago biyo xireenka Itoobiya ee Renaissance, wuxuuna arrintaas uga jawaabay inaysan jirin cid Itoobiya ka hor istaagi karta dhismaha biyo xireenkeeda, isla markaana haddii loo baahdo dagaalna ay Itoobiya awood u leedahay inay abaabusho malaayiin qof oo hubka u qaada difaaca dalkooda.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in biyo xireenka weyn ee Itoobiya uu ku socon doono waqtigii loogu talogalay, wax dhibaato ahna aanu ku keeni doonin dalka Masar.
Hadalkan ayaa ka danbeeyay markii uu dhowaan fashilmay shir saddex geesood ah oo Masar, Itoobiya iyo Suuudan uga hadlayeen xal u helidda arrinta buuxinta biyo xireenka Renaissance, iyadoo Itoobiya ay ku gacan seyrtay qorshe ay Masar wadatay oo ahayd inuu labada dal dhexdhexaadiyo Mareykanka