Monday, June 30, 2025

Abwaan Guure: “Abwaan Hadraawi waa xanuunsan yahay, xusuustii ayaa ka luntay…” [SAWIRRO]

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho oo maanta booqday Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Hadraawi ayaa ka hadlay xaaladiisa.

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo booqday guriga abwaan Hadraawi ee magaalada Burco ayaa sheegay in Abwaan Hadraawi ay xusuustii ka luntay oo saacad kadib wixii dhacay aanu xusuusan karin, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

HOOS KA AKHRI FARRIINTA ABWAAN GUURE


Abwaan Hadraawi yaa War ka haaya?

Halyaaygii dalkeenee
Afka aan ku hadalniyo
Hidaha iyo dhaqankiyo
Suugaata hodonkaa
Macbuud hibo u siiyee
Howraarta maansiyo
Murti iyo halbeegeed
Qaamuuska laga helo
Had iyo jeer ahaan jiray
Bulsho waa Hadraawiye
Halkee maata ku ogtahay
Mise waa hilmaanteen?

Anaa hadda la joogee
Hooygiisu waa Burco
Hiilkiisu waa duco

Abwaan Hadraawi waa xanuunsanyahay mana Xasuusto saacad ka hor wixii dhacay Alloow Caafi Adàa Casiis ehe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON